Ma Dhabaa in La siidaayay Kooxdii NISA ee Weerarray Gudoomiyaha KMG ah Baarlamaanka

Somalia news

Shalay galab ilaa xalay waxaa magaalada Mogadishu qalalaase amni iyo iskuday dil ka waday Saraakil ay hormuud u ahaayeen Taliyaha Boliiska, Agaasimaha KMG ah ee NISA iyo Madaxa Boliiska Gobolka Benadir, saraakiishan ayaa lagu eedeeyay Dembiyo culus & iskuday Dil ayna ku fulin rabeen Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in wixii shalay ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha iyo is-hortaaga lagu sameeyay Howlaha Gudoomiyaha KMG ah ay yihiin qorshe laga soo abaabulay Villa Somalia ay dusha ka hagaayeen Farmaajo, Fahad iyo Qorqor, waxaana la sheegay in dhaqaale lagu siiyay Saraakiisha kor ku xusan iney fuliyaan qorshahaasi nasiib darrase uu fashilmay.

https://fb.watch/cDcxF_JcGY/

Saaka inkastoo xaaladu ay degan tahay hadana waxaa laga cabsi qabaa in inta lagu guda jiro Doorashada Gudoomiyaha Senate-ka iyo Kuxigeenadiisa ay suurto gal tahay iney carqaladeeyaan, iyadoo la sheegay in isla xalay ay Boliiska Garoonka siidaayeen Eedeysane Khadar Maxamuud Sanka Madaxa NISA ee Garoonka diyaaradaha iyo 4-kale oo fuliyay falka iskudayga Dilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wasiirka Amniga ee Dowlada Federaalka ayaa ku eedeeyay Farmaajo, Fahad & Qorqor iney ka dambeeyaan falkii ka dhacay Hoteel ku dhex yaal qeybta Xalane oo ay ku weerareen 5-nin oo ka tirsan Xoogaga NISA ee Garoonka diyaaradaha.

185280cookie-checkMa Dhabaa in La siidaayay Kooxdii NISA ee Weerarray Gudoomiyaha KMG ah Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com