Kulanka Madasha Xisbiyada Oo Istanbul..

Politics

Kulan wada tashi ah oo Hogaamada Madasha Xisbiyada Qaran uga socday Magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa la soo gab oga weysay, iyadoo laga soo saari doonaa dhowaan qodobo ka hadlaayay Xiliga kala guurka ee Siyaasada iyo Amaanka Dalka Somalia….

Kulankaan oo muddo 5-maalmood ah socday ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Madaxdii hore ee dalka soo maray sidda Madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaare, Madax maamul goboleed, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin waa weyn.

Waxaa shirkaan diiradda lagu saaray doorashada soo socota ee 2021, xaalada siyaasadeed, mida amniga iyo sidii Madashu oo isku duuban doorashada soo socota uga qeyb geli lahaayeen.

Sidoo kale waxaa jirta hadal heyn ku aadan in Madashu dhowaan shaacin doonto Musharaxa ay ku mideysan yihiin oo uga qeyb gala doorashada 2021.

20370cookie-checkKulanka Madasha Xisbiyada Oo Istanbul..