Sacuudiga Oo Joojinaaya Cumrada..

Health

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo horey u mamnuucday cumrada dadka ajnabiga ah, ayaa ku dhowaaqday in sidoo kale hadda laga mamnuucay dadka u dhashay dalkaas…

Saraakiisha dalkaasi ayaa Isniintii shaacisay in qofkii ugu horreeyey ee dalkaas ku nool laga helay cudurka Coronavirus, kaasoo ahaa qof booqasho ku tegay dalka Iran balse aan shaaca ka qaadin.

“Kadib talo soo jeedinta guddiga loo xil saaray la socoshada cudurka Coronavirus, waxaa la go’aamiyey in la joojiyo cumrada muwaadiniinta boqortooyada,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal lasoo dhigay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Go’aankan ayaa si joogto ah dib loogu eegi doonaa, waxaana laga yaabaa in wax laga beddelo haddii xaaladdi is-bedesho, sida lagu sheegay qoraalka SPA.

Dadka Sacuudiyaanka ah ayaa weli booqan kara masaajidada Xaramka iyo midka Nebiga NNKH, si ay salaadda ugu tukadaan, hase yeeshee waxaan la ogoleyn kaliya cumrada.

Toddobaadkii tegay, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus.

Iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in 80-dal uu ku faafay cudurkaasi dadka uu ku dhacyana ay kor u dhaafayaan 93-kun oo qof una geeriyoodeen ilaa 3000 oo qof.

20340cookie-checkSacuudiga Oo Joojinaaya Cumrada..