Villa Somalia Oo Xayeeysiis Ka Dhigatay Tahriibayaal

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laga helayaa Saraakiisha Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xayeeysiis ka dhigatay in Tahriibayaal Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xirnaa Xabsiyada Libya ay soo deysay kadib markii Farmaajo Wada hadalo kala yeeshay dhigiisa Libya…

Dhalinyaro gaareysa 97-qof ayaa la sheegay iney Dalka dib ugu soo celiyeen iskaashi dhex maray EU-da iyo IOM, Dhalinyaradaan ayaa muddo 2-sano ku jiray Xabsiyada Dalka Libya, iyadoo fulinta howlgalkaan loo maray Barnaamijka taageerada dib u dhex-galka Bulshada.

Kooxda Villa Somalia ayaa keligood sheegtay iney qabteen Howshaan, xaqiiqduse waxey tahay waxaa si Wadajir ah u fuliyay Ergeyga gaarka ah Ee Xuquuqda Caruurta ee Tahriibayaaaha ee Xafiiska Wasiirka 1-aad Maryan Yaasiin, Hey’adda Safarada Aduunka IOM iyo Qeybta African trust Fund ee EU-da Oo dhaqaalaha ku yaboohay.

162060cookie-checkVilla Somalia Oo Xayeeysiis Ka Dhigatay Tahriibayaal