Laba Nin Oo Kufsi Geystay Oo Xukuno lagu Riday

Somalia news

Maxkamadda kooxda argagixisada Shabaabka ee degaanka Galhareeri, gobolka Galgaduud xukun ku fuliyay laba nin oo lagu soo eedeeyay inay u geysteen degaankaasi….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Labada nin ee lagu soo eedeeyay kufsiga ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Yuusuf Maxamed iyo C/fataax Salaad Cabdi, waxaana lagu fuliyey 100 Karbaash oo mid waliba lahu dhuftay markii la sheegay inaysan hore guur u soo marin.

Garsoorka Shabaabka ayaa sidoo kale labada nin ku xukuntay inay bixiyaan Meherka gabadha ay kufsadeen oo lagu qiyaasay 14 neef oo Ari ah mid waliba, iyo in laga masaafuriyo degaanka ay kufsiga ku geysteen ee Galhareeri.

Xukunka Karbaasha ah ayaa lagu fuliyey fagaare ku yaalla magaalada Galhareeri, halkaasoo ay isugusoo baxeen boqolaal dadweyne ah.

42720cookie-checkLaba Nin Oo Kufsi Geystay Oo Xukuno lagu Riday