Qeylo dhaan Laga Keenay Xeer Loo Gudbiyay Barlamaanka

Somalia news

Gudiyada loo xil saaray diyaarinta xeerka dhameystirka Sharciga lagu muransan yahay ee Doorashada Qaranka, ayaa u gudbiyay Xildhibaanada Barlamaanka si dood looga yeesho Isla markaasna Loo ansixiyo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Xeerkaan uu daldaloolo badan uu leeyahay, waxaana ka mid ah Qeybta Asteynta kuraasta Xildhibaanada, iyadoo lagu saleeyay Waab qabiil iyo 4,5, isla markaasna uu oggolaanaayo in Xildhibaanku kursigiisa uu wareejin karo Gobol uusan daganeyn.

Sidoo kale waxaa ka muuqata in lagu saleeyay 18-kii Gobol ee Dowladii Siyaad Barre, taasoo shaki badan ay ku buuxaan maadama aan Dowladu Federaalka aysan wada maamulin Gobolada oo dhan, iyadoo Kuraasta laga raray goob degaan ay keeni doonaan qalalaase iyo xasilooni darro iyo isku dhac Beelaha dhexdooda ah, bacdamaa lagu saleeyay rabitaanka Shaqsiga ee Xiligaan Xikdhibaanka ah.

Xeerkaan ayaa Sidoo kale lagu dafiray, Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo xuquuqda Muwaadinka ee ku nool caasimada, iyadoo aan matalaad laga siinin, isla markaasna Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Loo oggolaaday iney doorshada ku qabsadaan Magaalada Muqdisho.

Ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii loo soo celin lahaa Xildhibaanada Taageersan Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo isla markaasna la yareeyo saameynta Xildhibaanada ka soo gelaaya Degaanada Dowlad goboleedyada, lana abuuro xasilooni darro Siyaasadeed Oo horseedi kara in dalku uu dib ugu laabto dagaaladii sokeeye, waxaana loo baaqayaa Shacbiga Soomaaliyeed,Maamulada Gobolada iyo Saamileyda Siyaasada iney diidaan Sharcigaan dhinaca u badan.

42750cookie-checkQeylo dhaan Laga Keenay Xeer Loo Gudbiyay Barlamaanka