Dagaal Xoogan oo ka dhacay Degaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Saakay aroortii hore ka dhacay degaanka Mabaax oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay Xoogaga dib u xoreynta degaanka iyo kuwa Argagixisada shabaabka…

Dagaalkaan ayaa ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna ku bilaawday kadib markii Xoogags dib u xoreynta degaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha kooxda shabaabka ay ku lahayeen deegaanka Mabaax oo u dhaxeeya degmooyinka Maqokori iyo Aadan yabaal ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xubno u hadlay Xoogagaan ayaa guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen Degaanka Mabaax, kuwaasoo sheegay in weerarka ay ku dileen 20 ka mid ah maleeshiyaadka Shabaabka, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.

Gobolka Hiiraan waxaa mudo ku dhow 6 bilood ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya shabaabka iyo Xoogaga dib u xireynta Degaanka ee loo yaqaano Macawiisleey oo garab ka hela Ciidamada Dowladda, waxaana dagaaladaasi kooxda shabaab looga saaray inta badan degaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan.

226100cookie-checkDagaal Xoogan oo ka dhacay Degaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com