Madasha Xisbiyada Oo Ku Heshiin Waayay Musharax Ay Ku Mideysan Yihiin

Somalia news

Kulan wada tashi ah oo Madasha Xisbiyada Qaranka ku yeesheen Hoteelka Decale ee ku yaalo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isla markaasna looga arisanaayey sida madasho u yeelan laheyd Musharax ay ku mideysan yihiin…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Dood dheer oo socotay muddo todobaad ah lagana laguna falanqeeyay sidii hal Musharax loogu faateexeyn lahaa, ayaa ku soo dhamaatay heshiis la’aan.

Si kastaba ha ahatee Mas’uuliyiinta madasha ayaa u muuqata iney ka gaabiyeen markii 2-aad iney xal ka garaan in Hal Musharax ku midoobaan, Madasha oo ku Mideysan Yihiin 6 Xisbi Siyaasadeed ayaa intay Dooda socotay leysku mari waayey in Hal Musharax loo daayo Doorashada madaama la galaayo Doorasho adag.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Hal Musharax loo xulo Tartanka Madaxweynaha ee sanadka 2021 ay ka gaabiyeen, waxaana la sheegay Qodobkaasi ay isku maandhaafeen Sheikh Sharaiif, Xasan Sheikh iyo Cabdiqaadir Cosoble iyadoo mid waliba ku dooday in uu yahay Musharax.

42680cookie-checkMadasha Xisbiyada Oo Ku Heshiin Waayay Musharax Ay Ku Mideysan Yihiin