Lahaansha Khilaaf Degaan oo dhex Qarxay Maamulada Khatuma & Puntland..

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Maamulada Khaatumo & Puntland kassoo salka ku haya muran ka dhashay laahasnshaha dhul ku yaalla xadka ay wadaagaan labada Maamul taasoo horseeday in Ciidamo hubeysan la geeyo Degaanka..

Wararka ayaa sheegaya in Degaanka lagu muransan yahay lagu magacaabo Shaxda oo la sheegay inuu muran ka dhashay Degaanka halka laga Maamulaayo, Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in Degaan hoos tagto Degmada Taleex halka Maamulka Degmada Qardho ay ku doodeen iney hoostagaan Degmadooda waxeyna geeyeen halkaasi Xoogag hubeysan kadib markii maalin ka hor ay kormeer ku tageen Saraakiil ka tirsan Maamulka Khatuumo.

Degaanka Shaxda oo ku taalla xadka gobolka Sool, waxaa horey u sheegan jirtay Somaliland, si kastaba ha ahaateen, Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay SSC-Khaatumo inay ku howlan tahay sheegashada dhul ka tirsan Puntland, Madaxa Warfaafinta Puntland oo u dhashay Beesha Dhulbahante ayaa sheegay in Degaanka muranka ka taagan yahay uu ka tirsan yahay Puntland, waxaana laga cabdi qavaa in muranka sheegashada uu isku bedeli kara gacan ka hadal.

373880cookie-checkLahaansha Khilaaf Degaan oo dhex Qarxay Maamulada Khatuma & Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *