Maamulka Farmaajo Oo Masar Weydiistay Dhexdhexaadin

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in todobaadkii hore magaalada Qaahira ee dalka Masar uu safar qarsoodi ah ku tagay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif, kaasoo farriin gaar ah ka siday Madaxweyne Farmaajo isla markaasna u gudbiyay Dowladda Egypt.,,

Xogtaan ayaa tilmaamtay in dhambaalka uu siday Mr.Xasan Khaliif ay isugu jirtay qodobo dhowr oo xasaas ah, waxaana ka mid ahaa Arrimaha wada hadalada Imaaraadka Carabta oo Dowlada Somalia dooneyso in dib loo bilaabo, si xiriirka labada dal caadi loogu soo celiyo, isla markaasna Dowladda Masar ay kaalin ka qaadato.

Safarka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ku tagay Masar ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dowladda Somalia wajaheyso xili kala guur ah iyo isku diyaarin doorasho, iyadoo Masar loo arko xilligan inay door weyn ka ciyaari karto doorashada Somalia.

Waxaana dhowaan Magaalada Qaahira tagay Xubno ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynayaha iyo Siyaasiyiin oo ay ku jiraan Mr.Xasan Sheekh, Mr.C/raxmaan C/shakuur, Nr.Daahir Geelle, Ra’iisul Wasaarihii hore Mr.Cumar C/rashiid, halka kuwa kalena la filayo inay dhowaan gaaraan.

78530cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Masar Weydiistay Dhexdhexaadin