Shirka Culumada Soomaaliyeed:- Kooxda Shabaabku waxey u Shaqeeyaan Dowlado Shisheeye

Somalia news

Waxaa maalmahaan ka socday Hoteelka SYL ee magaalada Mogadishu, Kulankii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, kuwaasoo ka kala yimid Daafaha dunida isla markaasna ay martiqaad u fidisay Dowlada Federaalka, si looga tashado Afkaarta qaldan ee kooxda Argagixisada muddo dheer ay dhiiga Shacbiga Soomaaliyeed ku baneysatay iney daadiso…

Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa ka jeediyay khudbad Kulanka:- “Fikir marka uu yimaaado waxaa la samayn jiray doodo balse qoladaan geedaha hoostooda ayay galeen wajiyada waa duubteeen dadka maangaabta ah ayay khaldaayaan mana ogola in lagala doodo waxa ay qabaan “

Shiikha oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Kuwaas xukunkooda waa in la iska dhiciyo waana shaqadii Dowladda, Culimadana waxaa laga rabaa iney u Cadeeyaan Xaqa kuwa fikir ahaan u taageersan oo aan qoriga wadan, xaqa inaan caddeyno ayaan halkaan u joognaa, haddii aanaan caddeyn wallaahi waa nala weydiinaa”.

Dr. Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Cabdullahi oo Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed qeyb ka ah, kana mid ah culimada ka timid dalka Sacuudi ayaa si cad farta ugu fiiqay culimada faafisa fekerka kooxda khawaarijta ah, kuwaas oo ku sugan dalka Kenya.

Shiikh Cabdiraxmaan ayaa yiri “Waxba yeynaan iska indha tirin, waa naqaan ragga fekerka khawaarijta meel cad inta soo istaaga umadda ku dhex faafiya, Shiikh Xasaan ayaa ka mid ah oo Kenya ku nool, dowladda yeysan ka gamban qof qalqalgelinaya ammaanka Qaranka, mas’uuliyad ayaana ka saaran.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah Culumaa’udiinka Qurbaha ka yimid oo muxaarado ka jeediyay Kukanka ayaa sheegay in muddo badan uu tixraacaayay Arrimaha kooxda Shababka, kadibna ay u soo baxday in Ururkaani uu u shaqeeyo ama ka shaqeeeyo Ajandayaal Dalal Shisheeye.

239000cookie-checkShirka Culumada Soomaaliyeed:- Kooxda Shabaabku waxey u Shaqeeyaan Dowlado Shisheeye