Ciidamada Boliiska Oo Soo Qabtay Eedeysane Loo Heysto Dil ula kac ah

Somalia news

Ciidamada Boliiska oo howlgal ka sameeyey degaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu ka dambeeyey dilka Alle ha u naxariistee Hibo Qaasim Maxamed oo aheyd Gabar Ardayad ah oo ku baastay imtixaankii dugsiyada sare ee ay qaaday Dowladda Federaalka…

Taliyaha Qeybta Galbeed Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Boliiska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in Eedeysanaha uu marxuumadda u dilay taleefoon dartii, kaas oo uu doonayey inuu ka dhaco, wuxuu tilmaamay inuu Baarista Kiiskaan Dilka ah uu u gudbin doonaan Hogaanka Baarista Dembiyada Boliiska ee (CID-da) si baaris dhab ah loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo Maxkamadda.

AHUN Maruumad Hibo Qaasim oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay Dugsiga Sare ayaa qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Federaalka ee dhowaan la shaaciyey, waxaana dilkeeda ka naxay dad badan oo Soomaaliyeed.

208310cookie-checkCiidamada Boliiska Oo Soo Qabtay Eedeysane Loo Heysto Dil ula kac ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com