Liiska Musharixiinta Maamulka Degmada Garbahaarey Oo La Gudbiyay

Somalia news

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa loo gudbiyay Liiska Musharixiinta Oo ka kooban 4-ta xubnood ee loo soo magacaabaayo Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kaasoo u xil saaran Maamulka Doorashada…

Guddiga Wasiirada ee Maamul Goboleedyada oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Garbahaarey ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo, waxeyna kulamo la yeelanaayaan Sheekh Axmed Madoobe, iyagoo u gudbiyay Musharixiinta ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Mareexaan.

Waxaa loo xulay jagada Gudoomiyaha Degmada Nuur Jaamac Cabdi iyo Cabdi Xaashi Diiriye halka kuxigeenka loo xulay Xuseen Baniin iyo Aadan Cusmaan Nuur, Heshiiska 27-kii May ayaa xeerinaayay in Maamul cusub loo magacaabo Degmada Garbahaarey oo ka mid ah labada degaan doorasho Ee dadban.

130070cookie-checkLiiska Musharixiinta Maamulka Degmada Garbahaarey Oo La Gudbiyay