Cabasho Laga Keenay Dhaqaalaha Ka Soo Xarooda Shatiyada Kaluumeysiga Puntland

Somalia news

Warbixino baariseed ayaa daaha ka rogay in Maamuladii isaga dambeeyay Dowlad degaanka Puntland lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney shaaca ka qaadaan dhaqaalaha ka soo xarooda Shatiyada Kakuumeysiga oo ay bixinaayeen laga soo bilaabo 1998kii…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in maamulladii kala dambeeyay ay ka qariyaan Xafiiska Hanti-dhowrka tirada dhabta ah ee Shirkadaha shisheeye oo haysta shatiyada ay kaga kalluumeystaan badda Puntland iyo meesha ay ku dhacdo dhaqaalaha Shirkaduhu bixiyaan.

Dhaqaalahaan shirkaduhu bixiyaan waxay ku dhacdaa xisaab bangiyeedyo sir ah oo Siyaasiyiin ku leeyihiin dibedda, Sidaas darteed waa suurtogal in dowladda Puntland aysan ka wada warhaynin shatiyada kalluumeysi oo ay siyaasiyiintu ku bixiyeen magaca Puntland, Marka maraakiibta ciidammada Midowga Yurub ay qabtaan markab badda Somalia ka kalluumaysanaya waxay shirkadda markabka leh la soo baxdaa shatiyo sugnaantooda aan la hubin karin” ayuu yiri sarkaal ka tirsaanaa Wasaaradda Maaliyadda ee maamulkii Cabdiweli Gaas.

“Halkudhigga sanadguurada 24aad ee Puntland wuxuu ku habboonaan lahaa inuu noqdo ‘daahfurnaan la’aanta Puntland oo faro-ba’an ku haysa saboolka hantidooda siyaasiyiintu lunsadaan” ayuu sheegay Muwaadin ka soo jeeda Degaanada Puntland ka qeybgalay dood looga hadlaayay dhaqaalaha ka soo xarooda Shatiyada Kaluumeysiga Bixiso ee Puntland wuxuuna Maamulka ugu baaqay iney la yimaadaan Nidaam daah furan. 

195540cookie-checkCabasho Laga Keenay Dhaqaalaha Ka Soo Xarooda Shatiyada Kaluumeysiga Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com