Ma Dhabaa in 3-Garoon diyaaradeed oo Finnish ah hoos u dhigay Isticmaalka GPS-ka una bedelay Hagidda Raadiyaha..

Security Travel World

Warbixino hordhac ah ayaa daaha ka roogaya in 3-Garoon Diyaaradeed oo ku yaal Bariga Dalka Finland ayaa dib u soo celinaya qalabkii raadiyaha lagu hagi jiray duulista iyo Degista si ay u fududeeyaan soo degista diyaaradaha, kadib markii ay Mas’uuliyiintu Dalkaasi ay farta ku godeen in Dalka Ruushku faragelin ku hayo Aalada GPS ee dayax-gacmeedka..

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Finland ay aaminsan tahay in Dalka Ruushku uu khalkhal iyo fara gelin ku hayo Aalada GPS oo loo isticmaalo navigation Sistem-yada, Global Navigation Satellite System (GNSS) iyo Global Positioning System (GPS), ee Garoomada Diyaaradaha ee Bariga Finland iyo Gobolka Badda Baltic, si ay u ilaaliyaan dekedaheeda saliidda iyo hantida kale ee istaraatiijiga ah ee weerarada hawada Ukraine ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Khubarada Arrimaha Amaanka Caalamka ayaa yaqiinsan in Amnigu guud ee Gobolka Baltic-ga uu faraha ka sii baxaayo sababo la xiriira Taageeradooda Dagaalka Ukraine, Dowlada Russia ayaa beenisay iney farageliyeen Isgaarsiinta iyo Shabakadaha dayax-gacmeedka. Laba garoon diyaaradeed oo Finland ah oo ay maamusho Finavia oo ku yaal magaalooyinka Joensuu iyo Savonlinna, oo labadooduba hal saac u jirta xadka Ruushka, ayaa soo bandhigay qalab dhulka ah oo dib loo habeeyey bishii Sebtembar, halka garoon kale oo ku yaal Lappeenranta uu qorsheynayo inuu sidaas oo kale sameeyo sida ugu dhakhsaha badan, ayay sheegeen hawl-wadeenadu.

Qalabka cabiraadda fogaanta ee ku salaysan raadiyaha, oo markii hore si weyn loogu isticmaali jiray duulista, ayaa bixisa “habka beddelka ah” ee diyaaradaha inta lagu jiro faragelinta GPS, ayuu yiri madaxa kaabayaasha iyo amniga Finavia, Henri Hansson.

349060cookie-checkMa Dhabaa in 3-Garoon diyaaradeed oo Finnish ah hoos u dhigay Isticmaalka GPS-ka una bedelay Hagidda Raadiyaha..