Shirkadda MSM Oo Maraakiibtooda Uga Digay Iney Maraan Canal-ka Suez..

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Go’aan ay ku dhawaaqeen Shirkadda Xamuulka Maraakiibta ee MSM (The Mediterranean Shipping Company), iney joojiyeen Maraakiibtooda Xamuulka iney Isticmaalaan Marinka Bab al-mandab ee Badda Red sea, sababo la xiriira Afduubka Kooxaha Xuutiyiinta iyo kuwa Soomaalida…

Qoraalka ayaa lagu xusay “Waxaan go’aansanay in aanan Maraakiibta Badeecadaha u sida Dalalka Europe aaney soo marin marinka Suez sababta oo ah hanjabaad ka timid Kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta ka dhisan Dalka Yemen”, ee marinka Bab el-Mandeb, Go’aankaan ayaa yimid kadib markii 2-Markab kuwa Ganacsiga ah la Afduubtay halka mid 3-aad la badbaadiyay.

Maamulka Shirkadda ayaa ka digay in mustaqbalka dhow ay kordhi doonaan kharashaadka ku baxa daabulka Badeecadaha la geeyo Dalka Israel, talabadaan ayaa culeys ku sii saari doonta dhaqaale liita ee Dalka Israel oo haatan Ciidamadoodu xasuuqa ka wadaan Magaalooyinka Falastine.

290520cookie-checkShirkadda MSM Oo Maraakiibtooda Uga Digay Iney Maraan Canal-ka Suez..