Musharax ay wadato DF & Malxiis qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga HOP86

Somalia news

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka ayaa shahaadada Musharaxnimo gudoonsiiyey labo musharax oo isku soo diiwaan geliyey doorashada Kursiga HOP86 ee Golaha Shacabka Somalia oo uu horey u soo boobay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin balse loo diiday…

Wararka ayaa sheegay in Labada Musharax ee qaatay shahaadada ayaa kala ah Prof. Maxamed Xaaji Shiikh Axmed oo ka tirsan kooxda Damujadiid ahna Musharaxa kursigan loo xiray iyo musharaxa malxiis ah oo aan magaciisa la shaacin.

Waxaa doorashadan sida muuqata iskaga haray dhowr Musharax oo uu ka mid ahaa Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka mid ahaa Shaqsiyaadkii sida weyn ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo, sidoo kalena soo qabtay xilalka Villa Somalia, Musharaxiintan ayaa loo diiday tartanka iyo iney qaataan shahaadada tartanka ka dib markii xalay guddiga KMG ah ee doorashooyinku ay soo saareen qoraal ay ku sheegayaan in sababo amni awgood doorashada kursiga HOP86 laga soo wareejiyey magaalada Beled-weyne, lana keenay Muqdisho.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka ayaa sheegay in doorashada kursigan ay ka dhici doonto magaalada Muqdisho 25-ka bishan Febraayo oo ku aadan Sabtida soo socota,

243560cookie-checkMusharax ay wadato DF & Malxiis qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga HOP86
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com