Xildhibaanka Ka Tirsan Baarlamaanka UK ayaa Laga tarxiilay Dalka Djibouti & Sababta..

Africa News Travel World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisad ka dhalatay kadib markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada UK oo Saraakiisha Socdaalka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Djibouti ay u diideen inuu galo magaalada oo uu Xildhibaanku sheegay inuu Safaaradiisa u socday..

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Conservative laguna magacaabo Tim Loughton oo laga soo doorto degaanada East Worthing and Shoreham, ayaa Saraakiisha Socdaalka Djibouti u diideen inuu galo magaalada waxey ku qasbeen inuu raaco Diyaarad u socotay Magaalada Addis abeba sababo aan la shaacin.

Afhayeenka Ra’iisul wasaaraha UK ayaa sheegay in Xafiiska Arrimaha Dibadda “ay siiyeen taageero Qunsuliyadeed Mr Loughton xiligaasi, waxayna sidoo kale kiiskan u gudbiyeen Dowladda Djibouti, Afhayeenku ayaa intaasi raaciyay iyadoo Saraakiisha Hey’ adda Socdaalka ay xaq u leeyihiin inay diidaan gelitaanka go’aankooda, haddana dawladda UK waxay raadinaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kiiskan gaarka ah.

324300cookie-checkXildhibaanka Ka Tirsan Baarlamaanka UK ayaa Laga tarxiilay Dalka Djibouti & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *