Ma Dhabaa In Cabdi Xaashi Uu La Heshiiyay Farmaajo

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Dalka dibadiisa iyo Magaalada Mogadishu ka socday kulamo qarsoodi ah Oo ay isku soo horfadhiisteen Wakiilo ka socda Gudoomiyihii hore Aqalka Sare iyo Ergo ka Wakiil Farmaajo, iyadoo lagu gorfeeyay Khilaafka iyo sidii looga gudbi lahaa..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Kulamadaan ay Wada yeesheen Wakiilo uu ka mid yahay Boqor Buur-madow, Maxamed Cabdi Maareeye iyo Laba Wiil uu dhalay Mr.Cabdi Xaashi, iyadoo uu Farmaajo soo wakiishaday Fahad iyo xubno beeshiisa ah, Kulamadaan ayaa wakhtiga dheer qaatay, ugu dambeyntii ayaa waxaa lagu heshiiyay in la iscafiyo lana Wada shaqeeyo.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Cabdi Xaashi uu diiday inuu hor fadhiisto Farmaajo, iyadoo lagu qanciyay inuu Khadka Taleefoonka kula hadlo, Farmaajo ayaa weydistay Cafis Dagaalkii Siyaasadeedkii dhex maray 4-tii sano u dambeysay, wixii khalad dhacyna dusha saartay.

Dhanka kale Ilo Wareedyo ayaa tilmaamay in Mr.Cabdi Xaashi Oo horey balanqaadyo ula galay Musharixiinta Mucaaradka ayaa ka rajo dhigay qorshayaasha Doorashada ee Kooxaha Mucaaradka, wuxuuna xiligaan xaqiijiyay in Fahad & Farmaajo ay hor dhigeen Barnaamij Siyaasadeed uu Fahad Wasiirka 1-aad ku noqon doono 4-ta sano Ee soo socota.

152580cookie-checkMa Dhabaa In Cabdi Xaashi Uu La Heshiiyay Farmaajo