Tiro Hoobiyayaal ah Oo lagu Weeraray Villa Somalia & Degaanada ku Dhow

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Hoobiyayaal ah lagu garaacay Xaafadaha kudhow Xarunta Madaxtooyada Dalka ee Villa Somalia, iyadoo jugta qaraxyada si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada…

Wararka ayaa sheegay in ilaa 5-Hoobiye lagu weeraray Xeyndaabka Xarunta Madaxtooyada, ilaa hadda lama ogaan wali halka ay rasmi ahaan ugu dheceen iyo khasaaraha ay sababeen hoobiyayaasha.

Weerarka Qaraxyadaan ayaa kusoo beegantay xili saakay ay xiran yihiin wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada, iyadoo meelaha qaarna ay ka xiran yihiin xitaa socodka, waxaana la is weydiinayaa sida ay kusuura gashay in hoobiyayaal lagu weeraro aaagga aqalka looga arrimiyo Dalka.

Caasimadda ayaa maanta marti galineysa shir ay isugu imanayaan madaxda Dalalka safka hore ee kala ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, waxaana shirkan gudoominaya Madaxweynaha, iyadoo goob joog ka nooqnayaan Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha ciidamadda ee afartaasi Dal.

240240cookie-checkTiro Hoobiyayaal ah Oo lagu Weeraray Villa Somalia & Degaanada ku Dhow
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com