Mareykanka oo Balanqaad Lacageed cusub soo saaray lana Xiriirta Xogaha Horjoogayaasha Shababka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe cusub ay Maamulka Washington ayaa soo saaray Balanqaad lacageed oo cusub lana xiriirta xogta halka ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha sare ee kooxda argagixisada Shabaabka iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.

Qoraal ka soo baxay Wasarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in illaa $10 milyan la gaarsiiyay abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda Shabaab ee kala ah Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa oo ah Muwaadin u dhashay Dalka Mareykanka

Sidoo kale Saraakiisha Dowladda Maraykanka ayaa doonaya iney lacago abaalmarin ah ku bixiyaan xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda argagixisada Shabaabka.

225190cookie-checkMareykanka oo Balanqaad Lacageed cusub soo saaray lana Xiriirta Xogaha Horjoogayaasha Shababka