Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran Oo Afduubtay Markab Xamuul oo uu leeyahay Ganacsade Israel u Dhashay…

World

Sida laga soo xigtay Hey’adaha Badaha ee UKMTO waxaa la xaqiijiyay in Ciidamo hubeysan (IRCC) ay afduubteen Markab kuwa Xamuulka qaada uuna iska leeyahay Ganacsade u dhashay Dalka Israel balse ka diiwaan gashan Dalka Portugal, waxeyna la aadeen Xeebaha Dalka Iran…

Wararka ayaa sheegaya in Markabka ay iska leedahay Shirkadda Zodiac Maritime ee MSC ARIES uuna iska leeyahay Ganacsade Israeli ah Mr.Eyal Ofer, kaasoo ku safraya calanka Portugal, Dhacdadan ayaa ka dhacday meel 50 nautical miles waqooyi-bari kaga beegan Magaalada Fujairah ee UAE una dhow halka laga soo galo Gacanka Strait of Hormuz, sida ay xaqiijiyern Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee UK.

Afduubkaan qorsheysan ayaa la la xiriirinayaa Xiisadaha u dhaxeeya Israel iyo USA oo dhinac ah Dowlada Islaamiga ah ee Iran, iyadoo Xiisadaan ay ka soo bilaabmatay kadib markii Diyaaradaha Dagaalka Israel ay duqeyn ku burburiyeen Qunsuliyadii Dalka Iran ku lahaa magaalada Damascus ee Dalka Syria, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadaan ay faraha ka baxdo oo uu qarxo Dagaalka 3-aad ee Dunida.

320960cookie-checkCiidamada Ilaalada Kacaanka Iran Oo Afduubtay Markab Xamuul oo uu leeyahay Ganacsade Israel u Dhashay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *