Ma Dhabaa in Dad Badani ay Dhibaatoooyin Caafimaad Kala Kulmeen Talaalka Covid 19-ka..

Health World

Warbixino Caafimaad ayaa daaha ka rogaaya in Baaritaano dib loogu sameeyay dhibaatooyin Caafimaad ee la soo darsay Dadka Qaatay Talaalka Covid 19 kuwaasoo Dadkaani Helis geliyay Nolashooda, iyadoo farta lagu goday Shirkadaha farsameeyay Talaalka kuwaasoo kala ah Johnson & Johnson, Pfizer-BioNTech, Janssen, iyo Moderna..

Khubarada Caafimaadka oo baaris ku sameeyeen tiro badan oo Dadka qaatay Talaalka ayeey ku ogaadeen in Qofka lagu mudaa uu daqiiqado yar gudahood dareemo xaalado caafimaad darro oo khatar ah, sida xanuun uu ka dareemo gacanta laga muday, faraha gacanta ilaa dhegta dhinacaas xigta, xasasiyad aanu qofku u dulqadan karin ilayska, iyo midda ka sii daran oo ah in uu ilow (Hilmaam) ku keenay Dadka qaar oo xasuustu ay ka guurtay, ama si aad u weyn hoos ugu dhacday.

Xaaladaha kale ee lagu arkay Dadka tallaalka COVID-19 qaatay qaarkood waxaa ka mid ah, khalkhal ku yimid wareegga dhiigga, Wadnaha iyo nidaamkiisa garaaca oo isku dhex yaaca, xanuun u eeg irbad in lagaga taagay isha, afka, ama xubinta taranka, dhawaaq (firinbi) dhegta ka yeereysa, Wejiga oo qayb ahaan dareenku ka tago (Qallal), muddo kadibna soo noqdo, dhiigga oo xinjirooba, Guillain-Barré syndrome (GBS) oo ah cudur dhif ah oo sababa in nidaamka difaaca jirka uu qaata go’aan qaldan oo ah in uu weeraro neefayaasha jirka. Nabarro iyo boogo uu wadnuhu yeesho, iyo caabuq ku dhaca muruqa Wadnaha, iyo xasaasiyad khatar ah oo heer dhimasho gaari karta.

Tirakoob laga sameeyay Magaalooyin ku yaal Dalka USA ayaa lagu ogaaday in afartii qof ee kasta ee tallaaladan qaatay mid ka mid ah ayaa lagu arkay xaalad ah in qofku uu maqlo buuq iyo codad dhibaya maskaxda, iyadoo aanay Dadka ka agdhowi maqlayn (Tinnitus), waxa kale oo lagu arkay xaalado nafsi ah oo kala duwan, sida wel wel iyo isku dhex yaac.

327130cookie-checkMa Dhabaa in Dad Badani ay Dhibaatoooyin Caafimaad Kala Kulmeen Talaalka Covid 19-ka..