Faahfaahin Laga Helay Weerarkii Khasaaraha Geystay Ee Degaanka Ceel Baraf

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Weerarkii khasaaraha badan u geystay Ciidamada ATMIS ee Dowlada Burundi kuwaasoo fariisin ku lahaa degaanka Ceel baraf oo ka tirsan Gobolka Shabeeleda Dhexe..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay muddo dhowr maalmood ah sahminaayeen Fariisinka Ciidamada Burundi iyagoo kaashanaaya Xubno Somali ah, waxeyna weerarka ka hor 28-saac ku soo uruuriyeen Maleeshiyaad tiradoodu lagu qiyaasay 450 kuwaasoo afarta jiho ka soo galeen xeradaasi, Halka Ciidamada xerada ku sugan ay dhamaayeen 170-Askari, waxaana jiray Ciidamo Soomaali ah oo duleedka xerada degenaa oo firxaday.

Dowladda Burundi ayaa sheegay in Weerarkaasi looga dilay 30-Askari halka dhaawacana ay ku sheegeen 20-kale waxaana maqan tiro aan la cayimin oo loo badinaayo in Maxaabiis ahaan loo watay, Khasaaraha Ciidamadaan soo gaaray ayaa la sheegay iney badankooda ku dhaawacmeen 3-Gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay inkastoo uu mid ku dhacay god.

Ciidamada ATMIS oo weerar diyaaradeed kuwa qumaatiga u kaca & Drones-ka Mareykanka ku qaaday degaanada ku xeeran Tuulada Ceel baraf ayaa la sheegay iney xasuuq ka geysteen dadka degaankaasina ka soo gaareen dhimasho iyo Dhaawacyo, fal u muuqda aargoosi.

Kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa sheegtay inay 161 askari ku dishay weerarka, islamarkaana la wareegtay saldhigga, oo dadka degaanka loo fasaxay inay bililiqeystaan agabkii yaalay, Dowladda ayaa isku diyaarinaysa iney qabato doorashada Hogaanka Dalka oo muddo dheer dib loo dhigay, Loolanka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ayaa sabab u noqday in laamaha amniga ay kala qeybiyaan, iyagoo ka weecday dagaalka kooxda Shabaabka.

186740cookie-checkFaahfaahin Laga Helay Weerarkii Khasaaraha Geystay Ee Degaanka Ceel Baraf
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com