Share the post "Ma Dhabaa In Dagaal Isbaheysi Beeleedyo Laga Abaabulaayo Dhuusa mareeb"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xoogan oo ay wada wadaan Tiro Beeleedyo ku heshiiyay iney Duulaan ku qaadaan Xoogaga Suufiyada Ee ku sugan degaanka Guricel iyo qeybo ka mid ah Degmada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulamo ka kala dhacay Magaalooyinka Dhuusa mareeb, Muqdishu ay ku heshiiyeen Beelaha (Mursal Murusade, Saleymaan oo dhinac ah iyo Beelaha Mareexaan iyo Duduble) iney wadaa. abaabul Maleeshiyo beeleedyo oo weerar ku qaada Xoogaga Suufiyada.
Abaabulkaan ayaa waxaa hormuud ka ah Xasan Cali Khayre iyo Qorqor, waxaana kaaliyayaal ka ah Senatorada Dhagey, Dhagdgeer, iyo Mahad Salaad, Dhaqaalaha iyo saanada Waxaa balanqaaday Farmaajo, Horjoogayaashaan ayaa balanqaaday in Maleeshiyaad beelahooda ah ay uu u diri doono Magaalada Dhuusa mareeb dhowaan si ay dagaal ugu qaadaan Marasta beesha Ceyr Ee degta degaanka Guricel.
Wararka ayaa sheegaya in Degaanka Guricel iyo degaanada ku xeeran Dhuusa mareeb, ay Dadka Rayidka ay bilaabeen iney ka qaxaan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba iney saameyn ku yeeshaan dagaal beeleedyada laga Abaabulaayo Magaalada Dhuusa mareeb.