Qarax Miino oo Ka Dhacay Duleedka Mahadaay

Somalia news

Wararka naga soo Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saddex ruux oo rayid ah ay geeriyoodeen kadib markii mooto ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel u dhexeysa degaanada Buurane iyo Mahadaay…

Wararka ayaa sheegay in Dadka ku geeriyooday qaraxaasi oo saarnaa Mooto bajaaj ayaa waxaa ka mid ahayd ruux dumar ah, labada kale ayaa la sheegay inay ahaayeen darawalkii mooto bajaajta iyo nin beeralay ah, iyadoo miinadaasi ay dhigeen dabley ka tirsan kooxda Shababka.

Mooto Bajaajta ayaa la sheegay inay ku sii jeeday deegaanka Buur-fuule oo ka tirsan degmada Mahaday halkaasoo haweeneyda qaraxa ku geeriyootay ay ku lahayd beer, Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah meel ku dhow meel ay saddex maalin kahor miino kula qaraxday gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

233020cookie-checkQarax Miino oo Ka Dhacay Duleedka Mahadaay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com