Maxaa Ka Dhaxeeya Banaanbaxyada Gedo Iyo Doorashada

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Xiisadaha iyo Banaanbaxyada Abaabulan Ee ka soo cusboonaaday Gobolka Gedo ay muujinayaan inuu yahay qorshe horey loogu dejiyay Villa Somalia si loo carqaleedyo Doorashada la filaayo iney Dalka ka dhacdo dhamaadka Sanadkaan…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Mr.Farmaajo ayaa amar ku siiyay Saraakiisha Ciidamada ee jooga xuduudda Somalia & Kenya iney dagaal la galaan Kenya, wuxuuna Odayaasha iyo Waxgaradka degmooyinka gobolkaasi ka codsaday iney abaabulaan Banaanbaxyada si loo kiciyo shucuurta Shacbiga Somalia.

Wuxuuna u sheegay “Waa in aad xabadda geysaan Mandheera, Cadowga in aad fiirsataan maaha, waxaa maalin walba cadowga uu hortiina ku dilayaa dadkiina maatada ah idinkana halkaas ayaa ka fiirsaneysaan, waa inaad dagaal qaadaan. Kenya iyo annaga waxaan ku kala baxeynaa dagaal ileen iyagaa diiday nabadda” Ayuu yiri Mr.Farmaajo oo la hadlaayay Odayaasha Beesha ah iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada jooga Gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Xiisada Xuduudaha degmooyinka B/xaawo iyo Ceel waaq ay tahay mid kacsan, waxaana xuduudka Labada dal laga dareemayaa abaabul iyo cabsi dagaal kadib markii ay labada ay Ciidamo iyo Gaadiidka dagaalka ay soo dhoobeen Xadka, waxaana laga digay qorshaha Gurcan Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu Dalka dagaal geliyo isagoo adeegsanaaya Beeshiisa.

63470cookie-checkMaxaa Ka Dhaxeeya Banaanbaxyada Gedo Iyo Doorashada