Waan-waantii laga dhex waday Galmudug iyo Ahlu Sunna oo fashilmay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya iney guuldareystay waan-waantii iyo dadaaladii Odayaasha Dhaqanka Gobolada Dhexe ugu kala dab qaadayeen Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunna, isla markaasna ay labada dhinac dagaal isku diyaariyeen…

Odayaasha Dhaqanka ayaa u istaagay baajinta dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca deegaanada Galmudug, ka dib markii Xoogaga Ahlu Sunna ay Jimcihii la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel, Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ay gacmaha ka taagteen waan-waantii ay labadaasi dhinac ka dhex wadeen.

Abaabul ka dhan ah Xoogaga Suufiyada Ee Ahlu Sunna ayaa ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Dowladda Federaalka iyo kuwo Galmudug ayaana maalmihii ugu dambeysay boqolaal askari diyaarado ku gaysay magaaladaasi.

Ahlu Sunna ayaa la soo sheegaya in dhufeyso waaweyn ay ka qodatay afaafka hore ee Magaalada Guriceel, iyada oo u muuqato mid dagaal u diyaargarowday, Xoogaga Ahlu Sunna ayaa sidoo kale dhufeyso ka sameystay wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

143800cookie-checkWaan-waantii laga dhex waday Galmudug iyo Ahlu Sunna oo fashilmay