Ma Dhabaa In Dhaqaale Lagu Bixiyay Siideynta Silvia

Politics

Macluumaad mukhaabaraad ayaa tilmaamaya in Gabadha la siidayay ee Mrss.Silvia Romano, oo ay afduubteen koox burcad Kenya u dhalatay kana koobanayeen ilaa 8-xubnood kuwaasoo ka iibiyay Horjooge ka tirsan Kooxda Shabaabka, iyagoo ula Soo talaabay Degaanada Konfurta Somalia….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Mrss.Silvia Uu shaqeyneysay NGO Talyaaniga ah ( Africa Milele) ayaa laga afduubtay tuulada Chakama Oo 80-km u jirta Magaalada Malindi, waxaana muddo17-bilood ah xabsi ugu jirtay Kooxda Shabaabka, kadib markii laga afduubtay tuulo ay caruur ku xanaaneyneysay.

Xabsiga dheer (17-bilood) iyo Nolosha cusub ayaa la sheegay iney bedeshay Hab-nololeedkeeda iyo Magaceeda (Caa’isha) isla markaasna ay ku qanacday iney Diinta Islaamka qaadato, kadib akhri badan ee Akhris badan Kitaabka Qur’aanka iyo Luqada Carabiga, waxey sheegtay in Afduubayaasha ay ula dhaqmeen si wanaagsan oo loo oggolaa iney Soc-socoto, iyadoo sidoo la sheegtay in marba degaan iyo Xaafado la geyn jiray, sida laga soo xigtay Saraakiil sirdoon.

Waxaana la sheegay in Ganacsade Somali ah oo kala wareejiyay Lacagta iyo Gabadha, waxeyna ka dhacday degaanka Dhadhaane ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo goob u dhow ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Turkiga iyo Ciidamo Ilaalo Somali Ah.

Wararka ayaa sheegaya In Dowladda Talyaaniga Oo Wakiilada Agaasimaha Sirdoonka Talyaaniga (AISA) kaasoo mar laga joogo 2-bilood ka hor bilaabay inuu si qarsoodi ah ugu soo diro Magaalada Muqdisho 3-4 Sarkaal oo ka tirsan Sirdoonka, kuwaasoo loo xilsaaray iney la xaajoodaan Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaabka, waxaana ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Turkiga iyo Xubno Ganacsato ah.

Is-Jiis Jiis dheer kadib, Waxaa ugu dambeyntii la sheegay in la bixiyay 1,200,000 US$ ah oo madax furasho ah, mana ahan markii ugu horeysay oo Saraakiisha Sirdoonka Talyaaniga ay Dhaqaale bixiyaan, Sanadihii 2001 iyo 2004 ayeey madax furasho ku bixiyeen 2-Nin Talyaaniga ah oo lagu heystay Magaalada Eyl iyo Askartii ku duugneyd qabuuraha Ex-control Warshada baastada ee Magaalada Muqdisho.

33400cookie-checkMa Dhabaa In Dhaqaale Lagu Bixiyay Siideynta Silvia