Deni oo Ku Mashquulsan Magacaabista Taliyaha Daraawiishta & Taliyaha oo ka Biyo diidan..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland ayaa maalmahaan la daalaa-dhacaya qorshe uu doonayo inuu dib u habeyn ugu sameeyo Taliska Xoogaga Daraawiishta Puntland, kadib markii bilooyin kahor uu isaga tagay degaanka Taliyihii Xoogaga Gen. Abshir London..

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Deni uu maalmihii lasoo dhaafay kulamo wada tashi ah la yeelanayay Saraakiisha Xoogaga Hubeysan ee Puntland, kuwaasoo uu kala hadlayay dib u habeynta Daraawiishta Puntland, kuwaasoo si ba’an u kala daatay, kadib maamul xumida Madaxweynaha.

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Deni uu u soo jeediyay Mr.Cabdirashiid Qodhab oo ah Abaanduulaha ciidamada SSC-KHAATUMO, kana soo jeeda Gobolka Mudug inuu u magacaabo Taliyaha Xoogaga Daraawiishta Puntland, balse Qodhab ayaa la sheegay in uu ku gacan-seyray soo jeedintaas.

Qorshaha Mr.Deni ayaa salka ku heysa inuu Abaabul iyo isy diyaarin dagaal sokeeye geliyo Mr.Qodhob si loo meelmariyo doonista Deni ee muddo kororsi iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo la hadlay Warbaahinta Gudaha, wararka ayaa intaasi raaciyay iney socoto dadaal la doonayo in lagu qanciyo Qodhab qaadashada jagada, kaasoo ay wadaan xubno ay isku beel yihiin.

Dani ayaa ka guuray Xarunta Madaxtooyada wuxuuna Degay Xerada Ciidamada 54-aad er Xooga Dalka, halkaas uu sidoo kale kasoo saaray amar la xiriira in dhammaan Ciidamada Daraawiishta ku xaroodaan xeryahooda, Diyaarinta gaadiidka ciidanka iyo hubka ciladeysan ayuu amray Mr.Deni in lasoo gudbiyo, lana dadajiyo hagaajintooda, taas oo muujinaysa ifafaalo kale oo ah in u diyaargarow dagaal.

283250cookie-checkDeni oo Ku Mashquulsan Magacaabista Taliyaha Daraawiishta & Taliyaha oo ka Biyo diidan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com