Ma Dhabaa In Dhaqaale Loogu Yaboohay..

Politics

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow ayaa sheegaya in NISA iyo Madaxtooyada la soo xiriireen Dhaqaale ay u balanqaadeen hadii uu ciidanka ku soo wareejiyo Wuxuu soo bandhigay warqadihii uu lacagta uga qaatay xawaaladda oo ku lifaaqan maqaalka hoose.

Anigoo ah Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam ahna Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow, waxaa maalintii arbacada ahayd ee taariikhdu ku beegnay 4-Maarso-2020 ila soo xiriirey sarkaal ka tirsan xafiiska Nabad sugidda Qaranka gaar ahaan xafiiska Saadka kaas oo magiciisa iigu sheegay AXMED lambar telefoonkiisuna yahay (0619288822 ), Sarkaalkaas oo iga dalbadey inaan wadahal la furo taliyaha Nabsugida Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, wadahalkaas oo ku saabsan in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow aan hoos geeyo DFS anigana waxkasta oo aan dalbado la isiinayo.

Kadib wadahal dheer oo aniga iyo Axmed na dhexmarey waxaa suuro gashey inuu si toos ah noo wada hadashiiyo Fahad oo nuxurka hadalkiisu ahaa inaan dhowr qodob sameeyo markaan howshaas qabtana dalab kasta oo afkeyga kasoo yeera la ii sameyn doono.

Qodobada uu Fahad iga codsadey ugu horeyn sidan ayay ahaayeen

1- In Ciidamada aan xukumo aan ka qaado Afmadow oo aan geeyo deegaanka Dhuyac-Garoon halkaasna aan ka hirgaliyo saldhig ciidan kaas oo noqon kara mid mustaqbalka dhow DFS u sahli kara inay la wareegto deegaanka Diif ilaa Raaskaambooni, intaas wuxuu ku darey taliyuhu in aan sameeyo garoon yar oo ay ku soo degi karaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee HELICOPTER-ka loo yaqaano, kuwaas oo ciidan lagaga soo daabuli doono Muqdisho halkaasna la’iigu keeni doono gurmad ahaan.
Qodobkaas waxaan u sheegay inuu igu adagyahay suuro galna ii noqon karin.

2- Inaan tago Dhoobley oo aan la wareego garoonka Diyaaradaha Dhoobley halkaasna sida ugu dhakhsaha badan ay gurmad iiga soo diri doonaan Xamar sidaasna lagula wareegi doono Dhoobley, qodobkaas asagana waan ka biyo diidey waxaana u sheegey in hadda uu Dhoobley ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland amnigeeduna aad u adagyahay.

3- Qodobka sadexaad ee aan isku fahaney wuxuu ahaa in garoonka diyaaradaha Afmadow aan la wareego muddo saacad gudeheedna ay gurmad isoo gaarsiin doonaan, laakiin inta aan gurmadka la isoo dirin ka hor aan muuqaal u diro kaas oo aan kaga hadlayo lix qodob oo ayagu iisoo qoreen iguna dheheen sidooda u akhri baraha bulshadana gali kadibna gurmadkanaga ayaa kusoo gaaaraya.

Qodobada ay iisoo qoreen oo uu Axmed iisheegay in uu Fahad soo qorey sidan ayay u dhignaayeen:

1. Waxaanu nahay ciidan utaagan nabad iyo ilaalinta sharafta umada iyo nabada shacabka, sidaas ayaana kusoo shaqaynay mudo uguna adkaysano dhibaato badan oo nasoo martay.

2. Khilaafka joogtada ah ee maamulka Jubaland kala dhaxeeyey dowladihii hore iyo dowlada hadeer jirta, waxaan rajo ka qabnay n maamulka Jubaland uu layimaado maskax iyo talo soomaalinimo, oo lajaan-qaadi karto qaran soomaaliyeed, taasi Jubaland hogaankeeda wey ku fashilantay.

3. Ciidamada Jubbaland ee hadda jira waa hal qabiil sida Puntland iyo Somaliland oo kale marka waxaan rabnaa inaan noqono ciidan qaran oo qabiil kasta leh.

4. Sidaas darteed, laga bilaabo maanta Degmada Afmadow, maamulkeeda iyo ciidankeeda, waxay isku waafaqeen inay ka xorobaan maamulkan Jubaland, oo ay si toos ah u hoos tagaan ciidanka xooga dalka Soomaliyeed, magaalada Afmadow-na, ay noqoto magaalo ay wada leedahay umada soomaaliyeed oo idil.

5. Dowlada Federaalka, taliska xooga dalka, waxaan ka codsanaynaa iney nala soo xiriiraan, oo ay na diiwaangaliyaan, aan ka helno xuquuqdeena.

6. In maant laga bilaabo degmada Afmadow ay ka go’day Jubbaland toosn u hoos tageyso DFS halkaasna looga talin doono.


Qodobadaas markaan fuliyo wuxuu ii balan qaadey in qoyskeyga la iigu rarayo dalka Turkiga, halkaasna la iiga gadayo guri aan dego sidookalena lacag hal malyan ah hormaris la ii siin doono, asagoo igu yiri hadduu jiro qof Xamar kuu joogo oo aad ku kalsoontahay lacagtaas waan kuugu dhiibi karnaa, intaas wuxuu ii raaciyey anigu (Axmed) waxaan ahay ninkii 5ta Malyan ee Doolar u direy saraakiishii fulisey howlgalkii lagu soo afmeerayey Galmudugtii hore waxaana kuu hubaa inaad la shaqeynta Dowladaada aad baraare iyo barwaaqo ku gaari doonto.

21760cookie-checkMa Dhabaa In Dhaqaale Loogu Yaboohay..