Share the post "Ma Dhabaa in Dowlada Federaalka ay Joojisay Nidaamka Canshuur uruurinta ee Shirkada MGS Soft.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa go’aan uu soo saaray Wasiirka Maaliyada ee Dowlada Federaalka kuna aadan in la in ay joojiyay heshiis Canshuur uruurin ah oo ay la gashay Shirkadda MGS Soft Inc oo qandaraas kula gashay iney maamusho nidaamka canshuuraha kiraynta guryaha ee magaalada Muqdisho..
Go’aanka joojinta ayaa ku taariikheysanaa 25-kii Bishii March 2025, iyadoo Wasiirka Maaliyada Biixi Iimaan uu qoraalka uu shirkada u diray ku sheegay in shaqo joojinta ay ku timid xad-gudubyo la ogaaday iyo anshax-xumo, “Go’aankani wuxuu ku salaysan yahay xadgudubyo halis ah oo isdaba-joog ah iyo dhaqan ka soo horjeeda shuruudaha iyo ujeedooyinka heshiiska,” ayaa lagu xusay warqad.
Burburinta qandaraaska ayaa soo shaac baxday kadib baaritaan gudaha ah oo socday muddo bil ah oo ku saabsan ficillada Hogaanka Shirkada iyo madaxa fulinta, Cabdirisaaq Xirsi Maxamed, Baaritaanka ayaa sidoo kale muujiyay in MGS Soft Inc., oo saxeexday heshiiska horaantii 2024, ay gashay jebinta qandaraaska, isbeddelka lahaanshaha qarsoon, wax-is-daba-marinta xogta iyo ku-takri-falka hantida dadweynaha.
Xuuraano ayaa xaqiijinaaya in MGS Soft, oo markaas u shaqaynaysay sidii Adeegga Canshuur uruurinta Guud ee Guryaha magaalada Muqdisho, ayaanan soo bandhigin helitaan xog-ururin iyo nidaam horay loo dhisay, waxaana la sheegay in Boob iyo baad hakabaado ku dhisan ay Maamulka kula kaceen Dadka Guryaha iska leh oo qori caaradiis looga qaadayay Canshuurta Baada ah, waxaana Shirkada la sheegay iney Qoyska Madaxweynaha Villa Somalia ay raad iyo saameyn ku leeyihiin.