Guddi QM ka tirsan oo Baaraya Xadgudubyada Cunaqabateynta hubka iyo jebinta IHL ee Laascaanood oo ku baaqay in Cunaqabateyn la saaro…

Somalia news

Warbixino ay diyaariyeen Guddiga la socodka Xakameynta Hubka ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay iney baaris ku hayaan warar tilmaamaya in jebinta suurtagalka ah ee cunaqabataynta hubka ee muddada dheer iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada (IHL) ee colaada ka taagan Duleedada magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay warbixin sir ah…

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in dhowr Sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland la sheegay inay ku lug lahaayeen dagaaladii ka dhacday magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda. Waxa ka mid ah Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo ka tirsan Xoogaga Maamulka Hargeysa, General Cabdi Cabdilaahi, Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka Qaranka, General Faysal Cabdi Bootaan, Taliyaha Qaybta 7aad iyo Gaashaanle Sare Ibraahim Ashkir, Taliyaha Qaybta 10aad.

Guddigaan ayaa warbixintooda ku saleeyeen wadahadallo ay la yeesheen Jlayaasha siyaasadda, Saraakiisha Amniga, Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka iyo Barakacayaal ku kala nool Garoowe iyo Hargeysa,  Baaritaanka oo heerkiisa ugu horeeya ayaa lagu qiimeynayaa in hubka iyo rasaasta loo adeegsaday dagaalka Laascaanood ay jabiyeen cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Somalia, Muuqaalo laga soo qaaday magaalada Laascaanood ayaa muujinaya burbur soo gaaray dhismayaal rayid ah oo ka dhashay weerarro dadban oo loo adeegsaday madaafiicda culus iyo kuwa ridada dheer ah.

Baaritaano hordhaca ah ayaa sheegaya in tiro badan oo sanaadiiqda rasaasta ah, noocyada Gantaalada, iyo Hoobiyeyaasha la isticmaalay laga yaabo iney kasoo jeedaan wadamo kala duwan, oo ay ku jiraan Ethiopia, Bulgaria, Yugoslavia, France, iyo China. Guddigu hadda waxay ku raadjogaan silsiladda soo dejisa noocyada Hubkaan, Guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ku taliyay in cunaqabatayn la saaro qaraarka tirsigiisu yahay 1844 (2008) kuwa lagu helo xadgudub.

256530cookie-checkGuddi QM ka tirsan oo Baaraya Xadgudubyada Cunaqabateynta hubka iyo jebinta IHL ee Laascaanood oo ku baaqay in Cunaqabateyn la saaro…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com