Diyaarad Kuwa Ciidamada Cirka ee Dalka UAE oo Meydadkii ka Qaaday Garoonka Diyaaradaha Mogadishu…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad kuwa Ciidamada Cirka ee Dalka UAE ayaa ka qaaday ka Garoonka qaaday Meydadkii Saraakiishii lagu dilay weerarkii xalay ka dhacay Xerada Ciidamada ee Gen.Gordon ee Magaalada Mogadishu..

Marxuumiintaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:-

-Colonel Mohammed Al Mansouri, Madaxii Imaaraadka ee Howlgalada Yemen Somalia.

‎-Warrant Officer 1 Mohammed Al Shamsi, Madaxii Saadka iyo Howlgalada deg deg ah.

-Warrant Officer 1 Khalifa Al Balushi Madaxii Sirdoonka ahaana Sarkaalka Tababarka u sareeya.

‎-Corporal Suleiman Al-Shehhi Madax kuxigeenkii Howlgalka Somalia,

Iyadoo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Baxreyn lagu dilay Weerarkaasi laba kalena lagu dhaawacay.

Qorshaha ayaa ahaa in Saraakiishan maanta ku laabtaan Dalkooda (UAE), kadib safar Shaqo oo ay Muqdisho ku yimaadeen, balse meydkooda ayaa maanta la ceshay, Shaqaalihii Ajaaniibta ee weerarkan ku dhintay una dhashay Baxreyn, Afrika iyo Asia ayaa Dalalkoodii loo qaaday.

Waxaan shaki ku jirin in Kooxaha Danleyda ee NN iyo Kooxda Argagixisada Shababka oo qorshahoodu ahaa in la baajiyo safarka Madaxweynaha Masar iyo in Xiriirka Villa Somalia iyo UAE danaheeda la waxyeeleeyo, iyadoo Maamulka Villa Somalia oo looga baahan yahay iney shaqo badan ka qabtaan dhanka Amaanka iyo Kooxaha NN oo Mogadishu weli ku leh Saameynteeda.

307630cookie-checkDiyaarad Kuwa Ciidamada Cirka ee Dalka UAE oo Meydadkii ka Qaaday Garoonka Diyaaradaha Mogadishu…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com