Maamulka Hir-Shabelle Oo Ka Biyo Diiday Ka Qeyb Galka Shirka

Somalia news

Madaxtooyada HirShabeelle ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in maamulkooda uusan qeyb ka aheyn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta ka furmaya Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya DF iyo maamul gobaleedyada dalka…

Qoraalkaan ka soo baxay HirShabeelle ayaa lagu sheegay in aysan talo ku laheyn shirka islamarkaana aysan ka qeyb-geli doonin, wixii ka soo baxana uusan quseynin HirShabeelle, waxeyna aad u saluugeen habka diyaarinta Ajandayaasha Shirka oo san laga talo gelin.

Madaxda maamul gobaleedyada dalka ayaa shalay soo gaaray Muqdisho marka laga reebo HirShabeelle lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay in HirShabeelle diido ka qeybgalka shirkaan oo looga hadli doono arrimaha doorashada Somalia.

126290cookie-checkMaamulka Hir-Shabelle Oo Ka Biyo Diiday Ka Qeyb Galka Shirka