Ma Dhabaa in Duulimaadyadii Flydubai La Hakiyay Sababo Amaan Awgeed..

Somalia news

Maclumaad hordhac ah ayaa laga helayaa go’aan ay gaareen Maamulka Diyaarada Flydubai ay ku joohinayaan Duylmaadyadii Mogadishu iyi Dubai, kadib markii ay sheegeen iney kordheen fariimo Cabsi xambarsan oo sheegeen oo xagga Amniga ah ee Diyaarada…

Wararka ayaa sheegaya in laga bilaabo 11-ka Bishaan Juun 2024-ka, iyadoo aysan Saraakiisha Shirkada aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta ku riixday Go’aankaan, balse waxey ku gaabsadeen arrimo Amaan, horey ayeey go’aan oo kale u gaareen Shirkada bishii tagtay ee April, inkastoo xiligaasi at ku wehliyeen tiro dhowr Shirkadood ah kadib markii Safaarada USA ee Mogadishu ay soo saartay Digniino Amni.

Shirkadda Diyaaradaha ee Flydubai ayaa fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa duulimaadyadeeda toos ah ka bilowday magaalada Muqdisho 9-kii bishii March ee sanadkii 2023-kii, taasoo noqonaysa duulimaadkii ugu horreeyay ee toos ah ee isku xira Konfurta Somalia iyo Dubai ee Dalka UAE.

330410cookie-checkMa Dhabaa in Duulimaadyadii Flydubai La Hakiyay Sababo Amaan Awgeed..