Farmaajo Oo Xil U Raadinaaya Caato

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Cabdirasaaq Aadan alias (Caato), adeerna u yahay Mr.Farmaajo, ayaa dhammaadkii bishii hore Ra’iisul Wasaare ka eryey shaqadii Xoghayaha Joogtada ah, Xil-ka-qaadistaan oo ah tii labaad uu muteysto Shaqsigaan tan iyo bishii September, waxaana lagu sababeeyey inuu isku koobo shaqada Xafiiska islamarkaana uu awood sheegasho iyo cago-jugleyn kula kacay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha….

Xogo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in Shaqsigaan uu Olole xoogan ugu jiro sidii loogu magacaabi lahaa jagada Agaasimaha Guud ee Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (Financial Reporting Center), Xaruntaan oo lagu diyaariyo Warbixinnada Maaliyadeed, Waxaa Agaasime Guud ka ah Aamina Maxamed Cali, Xafiiskaan ayaa ah unuggu sirdoonka maaliyadda Dowladda Federaalka, wuxuuna u Xil saaran yahay hawlo ay ka mid yihiin dabagalka iyo baarista lacagaha looga shakiyo koontarabaanka, maalgelinta argagixisada, dhaqista lacagta (Money Laundry) iyo maalgashiyada sharci-darrada ah.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Caato uu diyaariyay qorshe qaab aargoosi beeleed ah ku doonaya in xilka looga qaado gabadhaan Agaasimaha ka ah Xafiiskaan, waxeyna isku beel yihiin Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. 

Warbixino la helay ayaa muujinaaya in Mr.Caato loo haysto dhaqaale malaayiin US$ ah oo uu ka lunsaday UNDP iyo xafiiska Madaxweynaha, walow uu Mr.Farmaajo uu og yahay Arrimahaan ayaa haddana waxaa muuqata in uu is moogsiinayo.

87480cookie-checkFarmaajo Oo Xil U Raadinaaya Caato