Ma Dhabaa in Ethiopia ay Casumaad u Fidisay Madaxweynayaal hore & Maamulada Gobolada..

Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya Maamulka Abiy ee Addis abeba uu Martiqaad u fidiyay 2-Madaxweynayaal hore, Madaxda Maamulada Gobolada Konfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, iyadoo Casumaadani ay noqoneydo tii labaad ee loo soo diro muddo Tobobaad gudihiis ah..

Wararka ayaa sheegaya in Todobaadka soo socda ay magaalada Addis abeba ay gaari doonaan Maamulada Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaasoo si hordhac ah u tagaaya halkaasi, waxaanse la ogeyn in Madaxweynayaashi hore Sheekh Shariif iyo M.Farmaajo ay tegi doonaan magaalada Addis abeba.

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Addis abeba uu qorsheynaayo inuu Degaanada Maamulada Qaarkood ka diyaarin doono Xoogag la dagaalama Ciidamada Dowlada Federaalka, Ethiopia ayaa wada qorshe Maamulada iyo Beelaha qaarkood Hub iyo saanad ku taageerto, Saansaanta socotaa waxey u muuqataa tii 1995-tii.

342200cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia ay Casumaad u Fidisay Madaxweynayaal hore & Maamulada Gobolada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *