Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Oo Muqdishu Soo Gaaraya

Somalia news

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maalinta Isniinta lagu Wadaa iney soo gaaraan magaalada Muqdisho, halkaasoo shir wadatashi ah oo ku saabsan xal ka gaarista xaalada siyaasadeed iyo hannaanka doorashada la yeelanaya Madaxweynaha Mr.Farmaajo…

Wafuud hordhac u ah Labada Madaxweyne ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo diyaarinaya halka ay dagayaan, waxaana la sheegayaa in nawaaxiga Madaxtooyada guryo looga diyaariyay Labada Madaxweyne.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maalinta Isniinta tagaya magaalada Muqdisho, halkaasoo shir wadatashi ah oo ku saabsan xal ka gaarista xaalada siyaasadeed iyo hannaanka doorashada la yeelanaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u sheegaya Madaxweynaha Puntland uu diiday inuu dego gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo markii hore warar soo baxayay ay sheegayeen in isaga iyo Axmed Madoobe degayaan gudaha Garoonka diyaaradaha, dad kala duwan ay u soo jeediyeen inay sidaas sameeyaan.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la sheegay inuu goostay maadaama safarkan uu yahay kiisa u horreeyay uu Muqdisho ku tago tan iyo markii sanadkii hore loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland, aanu dageynin garoonka Muqdisho, isagoo ku dhashay degmada Howlwadaag, Muqdishana horay u joogi jiray isagoo Wasiir ka ahaa dowladii hora iyo Xildhibaan uuna magaalada gudaheedana u degi doono, wixii wada hadalana Madaxweyne Farmaajo kula yeelan doonaan Madaxtooyada, si aan loogu arkin dad Muqdisho booqanaya kaliya sida Madaxda Caalamiga oo kale marka ay booqanayaan Caasimadda Muqdisho aanay soo dhaafin Garoonka diyaaradaha.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa isagana degi doona isla madaxtooyada Villa Somalia, arrintaan ayaa dhalineysa kalsooni siyaasadeed iyo is aaminaad dhex marta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo horay xiriirkooda xumaa.

57420cookie-checkMadaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Oo Muqdishu Soo Gaaraya