Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka Doodaaya Muddo-Xileed Kordhinta Madaxweynaha iyo Golayaasha..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Xildhibaanada Golaha Shcabka Baarlamaanka Federaalka ayaa sabtida maanta ah yeelanaya kulan xasaasi ah, kaasoo ay uga hadli doonaan qodobo dhowr ah oo xasaasi ah, kuwaasoo sanadkii ugu dambeeyay wada tashiyo hoose laga yeelanaayay..

Wararka ayaa sheegay in farriin jimcihii loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay iney soo xaadiraan kulanka maanta. Ajandaha kulanka ayaa lagu lagu sheegay:-

-Soo gudbin iyo akhrinta mooshinka wax-ka-bedelka iyo kabista dastuurka KMG ah

-Qeybinta hindise-sharciyeedyada kala ah

-Hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo magangalyo doonka.

-Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaaaha rayidka Dawladda.

-Hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka Federaala.

Sidoo kale, waxaa miiska saaran Mooshinka ku saabsan wax-ka-badal lagu sameeyay mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka JFS, iyadoo laga dhigi doono 5 sano, taasoo ka dhiganaanaysa mudo kororsi goor hore la sameynayo.

Hassan Sheekh oo horey mudo kororsiga ugu tilmaamay xaaraan, aan ka suurto galeyn Dalka Somalia, ayaa haatan u qalab qaatay inuu ku dhaqaaqo muddo kororsiga xil-heynta Madaxweynaha, waana dhaqanka beenta ah ee caan ku noqdeen Siyaasiyiinta danleyda ah.

259010cookie-checkXildhibaanada Baarlamaanka oo ka Doodaaya Muddo-Xileed Kordhinta Madaxweynaha iyo Golayaasha..