Maxaa Dhaliyay Rabshadaha ka Dhacay Qabuuraha Halleeye ee lagu aasay Dadkii ku Geeriyooday..  

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Rabshado gacan ka hadal ah ayaa ka dhacay Qabuuro lagu aasayay Dadkii ku geeriyooday Dibadbaxii rabshadaha watay ee Magaalada Hargeysa ka dhacay 11kii August 2022 kaddib markii xabaalaha uu dul tagay Wasiirka ka tirsa Maamulka…

Wararka ayaa sheegay in Rabashadaan ayaa yimid kadib markii uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mr.Saciid Sulub uu tagay Goobtaasi, waxaana ka hortagay Dad careysan oo u badan ehelada Marxumiintii ay Ciidamada Amaanku dileen, waxaana Qabuuraha marqura isku bedeshay gacan-ka-hadal la isugu daray Wasiirka iyo Dadkii la socday, waxaana durba rasaas billaabay Ciidamada ilaaladiisa ah sida ka muuqata muuqaallo laga soo duubay goobta xiligii rabshadu socotay.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee aaska ka qaybgalayay ayaa ku guuleystay in ay xaaladda kusoo celiyeen sida ay ahayd kahor rabshadaha, muuqaallada lagu faafiyay baraha Bulshada waxaa ka muuqday Odayaasha oo sii ambabixiyay Wasiirka & Dadkii la socday.

208140cookie-checkMaxaa Dhaliyay Rabshadaha ka Dhacay Qabuuraha Halleeye ee lagu aasay Dadkii ku Geeriyooday..