Ma Dhabaa In Fahad & Xundubay Ay Turkiga Ku Sugan Yihiin

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Horjoogihii NISA iyo Wasiirkii Amniga Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay Maalmihii ugu dambeeyay ay Howlaha Amniga iyo Sirdoonka ka hagaayeen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, iyadoo la sheegay iney u baxsadeen Dalkaasi…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Wasiirka Amniga Xasan Xundubay iyo Agaasimihii Hore Ee NISA Adeege Fahad Yasin ay muddo todobaad ah ku sugan yihiin Hotel ku yaal Magaalada Ankara, iyadoo halkaasi ka hagaaya Saraakiisha NISA iyo kuwa Amniga Howlgalada Xafiisyada intii uusan Xilka ka xayuubin Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka.

Wasiirkii hore ee Amniga Xassan Xundubey Jimcaale oo uu Ra’iisul wasaare Mohamed Hussein Rooble xilkii ka qaadey una magacaabey wasiirka Amniga Xildhibaan Abdullahi Mohamed Nur ayaa sheegey in xil ka qaadistiisa aysan sharci aheyn, isla markaana ay la mid tahay wax aan dhicin oo kale.

139970cookie-checkMa Dhabaa In Fahad & Xundubay Ay Turkiga Ku Sugan Yihiin