Horjoogayaal Ajaabiin ah Oo ka Baxaaday Kooxda Shababka oo lagu Qabtay Kenya

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Boliiska Degaanka Wajer ay gacanta ku dhigeen xubno looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin kooxda Argagixisada Shababka, sida ay daabacday Wargeyska TheStar.co.ke oo soo xigtay ilo Amaanka ka tirsan…

Wararka ayaa sheegay in ilaa 6-Qof la qabtay xilli ay doonaayeen iney ka soo talaabaan gudaha Kenya Somalia, kadib markii Ajaaniibtaan xeradii ay ku jireen ay weerareen Maleeshiyaad ja tirsan kooxda Argagixisada Shababka, kooxdaan ayaa qoratay tiro badan Muwaadiniinta Kenya Tanzania, Ethiopia iyo Uganda.

Mid ka mid ah Muhaajiriintaan oo u dhashay Dalka Tanzania magaciisana lagu sheegay Yuusuf oo 38-sano jir ah ayaa bishii Novembar lagu xiray degaanka Liboy Kenya, iyadoo 3 ka mid ah aaaxiibadiis ay baxsadeen, 5-kale oo Ethiopian ah ayaa laga soo qabtay xuduuda kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay weerareen Saldhigii ay ku tababarnaayeen.

https://www.the-star.co.ke/counties/north-eastern/2022-12-11-security-agents-arrest-seven-al-shabaab-militants-fleeing-somalia/

230660cookie-checkHorjoogayaal Ajaabiin ah Oo ka Baxaaday Kooxda Shababka oo lagu Qabtay Kenya