Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kulan xalay ka dhacay Villa Somalia oo ay ka soo qeyb galeen Garabyada kala duwan Ee taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Kulankaan ayaa looga dooday sidii loo carqaladeyn lahaa Amaanka Magaalada iyo Doorashada maalinta Sabtida dhaceyso Ee Wakiilada Gobolada Waqooyiga Somalia…
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulankaan lagu go’aamiyay in 3-4 maalmood ee soo socota Magaalada Mogadishu laga fuliyo amaan darro baahsan, Khalkhal, Qas iyo Dilal qorsheysan, iyadoo howlgalkaan loo xil saaray Taliyayaasha Ururada Gorgor, Haramcad, NISA (Gobolka Benadir) iyo Duufaan.
Sidoo kale Qorshahaan ayaa la sheegey in la isla meel dhigay sidii loo weerari lahaa Guryaha iyo qoysaska Xubnaha muhiimka ah ee taageersan Wasiirka 1-aad Mr.Rooble, kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku howlan yihiin kala furfurka Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa NISA.
Waxaa kale oo lagu go’aamiyay in la abuuro dagaalo beeleedyo si loo kiciyo Qabaa’ilada degan Caasimadda iyo la weeraro Xarumaha NISA iyo Gadiidka Boliiska lana hor istaago doorashada sabtida qorsheysan ee Wakiilada Gobolada Waqooyiga.
Qorshahaan ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Maleeshiyaadka Cumar Filish ay weerar ku qaadaan Bangiga dhexe iyo Dekada Magaalada isla markaasna qabtaan maadama Saraakiisha Maamulka Bangiga iyo Dekada ay joojiyeen qaadashada amarada Farmaajo.