Ma Dhabaa In Dukumentiyadii Dilka Ikraan Tahliil Laga Saaraayo Dalka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga in Keydkii Dukumentiyada Ee Xarunta NISA ku keydsanaa la qorsheeyay in laga saaro xaruntaasi, iyadoo la sheegay in loo xil saaray Saraakiil Daacad u ah Horjooge Fahad Yasin oo ku sugan Magaalada Addis Abeba Ee Dalka Ethiopia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news in Saraakiil daacad u ah Eedeysane Fahad Yasin ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen Keydkii Talefoonkada Ee Sarkaalada la afduubtay kuna keydsanaa Xafiisyada Hogaanka Teknolajyada iyo Qorsheynta, iyadoo lagu copy-yay Hard-drive, waxaa loo dhiibay Haween Sarkaalad ah oo daacad u ah Agaasimihii hore NISA.

Wararka ayaa sheegaya in Gabadhaan (Asma) ay qorsheystay iney ka dhoofto garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, waxeyna wadaa Hard-Dirve ay ka buuxaan Macluumaad Wararka iyo Sirta Ee 4-sano Ee ugu dambeysay la keydinaayay, Gabadhaan ayaa la sheegay inu tikidh u goostay Hargeysa, kadibna Waxaa lagu wadaa iney u gudubto Magaalada Addis abeba Ee Dalka Ethiopia.

Xafiisyada Wasiirka 1-aad iyo kan Amniga waxaan ku wargalineynaa iney ka hortagaan isla markaasna qabtaan Sarkaaladaan (Asma) qorsheyneysa iney Dalka ka bixiso Dokumentiyadii keydka Xogaha iyo Macluumaadka sirta ee la keydiyay 4-sano ee ugu dambeysay, si loo tirtiro raad raaca Kiiska Ikraan Tahliil isla markaasna keydka kale loo gacan geliyay Sirdoonada Ethiopia, Qatar iyo Turkey.

141050cookie-checkMa Dhabaa In Dukumentiyadii Dilka Ikraan Tahliil Laga Saaraayo Dalka