Farmaajo Oo Qorsheynaaya Inuu Xilka Ka Qaado Madaxa Maxkamada Ciidamada

Somalia news

Loolanka awooda & Maamulka Dowlada Federaalka ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, ayaa u jiheystay inuu qaado wado aan soo noqosho laheyn, Hardankaan ayaa ka dhashay Kiiska Sarkaalada Ikraan Tahliil una diga-roganaaya cawaaqib xumo iyo saameyn badan yeelan karta…

Warar hordhaca ah Ayaa tilmaamaya in Farmaajo uu qorsheynaayo inuu xilka ka qaado Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada (Col.Shiite), talaabadaan hadii ay suurto gasho, waxey dab ku sii shidi doontaa Khilaafka taagan, iyadoo Mr.Shuute uu 4-tii sano ee ugu dambeysa hogaanka u hayay Maxkamadeynta Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka.

Xiligaana hormuud u ah Baarista iyo ka gungaarida Kiiska Ikraan Tahliil, hadii Uu Farmaajo ku dhiirado inuu Xilka ka qaado, waxey noqon kartaa caddeyn kale oo toos u muujineysa inuu geedi fadhi u yahay Eedeysanayaasha lagu tuhmaayo Kiiska Sarkaalada NISA (Ikraan Tahliil).

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Farmaajo uu weydiistay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle inuu keeno Shaqsi lagu bedelo Col.Xasan Shuute, wuxuuna soo jeediyay ( Guudlaawe shaqsi lagu magacaabo Cabdiraxmaan Shareeco oo ka soo jeeda Beesha Warsangeli Abgaal.

141000cookie-checkFarmaajo Oo Qorsheynaaya Inuu Xilka Ka Qaado Madaxa Maxkamada Ciidamada