Share the post "Ma Dhabaa In Farmaajo uu Odayaal Dhaqmeedyo U Diray Fashilinta Kulamada…"
Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Tiro Odayaal Dhaqmeed iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha Hawiye loo balanqaaday dhaqaale iyo Gadiidka xabada aan karin ( Bulletproof), hadii ay fashiliyaan Abaabulka Kulamada Laga wado Magaalada Mogadishu iyo kala dhantaalka Ciidamada la uruurinaayo…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Wakiilo ka socda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayna Hormuud u yihiin hormuud u yahay dhinaca Habar gidirta Senator Cabdi Qeybdiid, Ubax Tahliil, Cabdirisaaq Al-Cadaala, Cabdinasir Jaamac Seed, Ninka sheekta (Iiminada) Cumar Macalin Abshir, Maxamed Jaamac Furux, Cabdikaxiim Macallin, Xaliima Yareey, Yuusuf Diiriye (Horjoogaha Xoogaga Wadaniyiinta) loo balanqaaday Xilal, Dhaqaale iyo Gadiid aan xabada karin (Bulletproof) hadii ay carqaladeeyaan Kulanweynaha Beelaha Hawiye oo dhowaan la qaban doono iyo Ka hortagga Uruurinta Ciidamada.
Sidoo kale Madaxtooyada Somalia ayaa qandaraas ku siiyay Xubnahaan ka soo jeeda Beesha Mudulood kuwaasoo kala ah, Cumar Finnish, Cali Maxamed Geedi, Wasiir Xundubey, Odowaa, Dhagaxtuur, Maxamed Yuusuf iyo Maxamuud Cali Ugaas, Garaad Cagey, Muxyadin Xasan Afrax, Cabdullahi Sheekh, Xasan Mungaab iyo kuwo qaar kale.
Halka Beesha Murusade, Cabdullahi Gaafow, Abuukar Socdaal (Islow), Nabadoon Shiine, Seynab Macallin, iyo Ina Ethiopia, waxeyna u xil saaran yihiin sidii loo kala qeybin lahaa Kooxaha taageersan Midowga Musharixiinta isla markaasna looga hortagi lahaa iney hirgalaan Qorshaha kalsoonida looga laabanaayo Dowladda Federaalka Ee wakhtiga ka dhamaaday.