Saadiq John Oo Dib Ugu Laabtay Xarunta Shirkole

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga helayaa xiisado ka dhashay Hoyga Taliyihii Hore ee Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir Saadaq John oo agagaarka lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo la sheegay in Madaxtooyada Villa Somalia laga soo diray…

Wararka Ayaa intaasi raacinaaya in Saadiq John ay u suurto gaahay inuu dib ugu laabtay deegaanka Shiirkole, isaga iyo gaadiid dagaal uu wato ayaa la sheegay inay ka gudbeen barta koontarool ee Wadada Jaayga, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso.

Wararka ayaa sheegaya inuu xoog ku gudbay oo ku tagay deegaanka Shiirkole oo ah xaafad ay reerkiisa u badan yihiin.

111550cookie-checkSaadiq John Oo Dib Ugu Laabtay Xarunta Shirkole