Maxaa ka jira In Dowlada Djibouti ay Dhexdhexaadineyso Somalia & Maamulka Waqooyiga Dalka…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in maalmihii ugu dambeeyay uu si hoose uga socday Caasimada Djibouti uga socday Wada hadalo qarsoodi ah, Iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Djibouti kula kulmay Ergo Wasiiro ah oo ka yimid Hargeysa, waxaa si weyn loo hadal hayaa in Somaliland oo mawqifkeeda siyaasadeed aad u wiiqantay tan iyo markii ay Xoogageeda ku soo jabeen dagaaladii ay la galeen SSC-KHATUMO…

Wararka ayaa sheegaya in Maamulja Hargeysa ay shuruudo lagu xiray ka mid noqoshad sidii xubin federaal ah (FMS), Shuruudaha ugu muhiimsan ee la sheegay in Somaliland ay ilaa hadda hordhigtay Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah in la aqoonsado xuduudka ay sheeganayaan oo ay ka mid yihiin dhammaan SSC-KHATUMO iyo qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed beenin ah, kaasoo u dhignaa sidan, “Xukuumadda Somaliland waxay caddaynaysaa in wada-hadal kasta oo u furmaya Somaliland iyo Somalia aan lagaga wadahadli doonin midowga, balse ay ka wadahadli doonaan sidii labada dhinac ee hore u midoobay u sii kala fogaan lahaayeen.

Dhanka kale, Mr.Muuse Biixi ayaa muddo 4-maalmood ah ku jira Isbitaalka Ciidamada Sudan ee Djibouti, waxaana ku soo booday xanuuno aan la shaacin balse waxaa la sheegay in Wasiiradii uu ku kalsoonaa ayaa ku sugan magaalada Djibouti, waxeyna wada hadal hoose la yeesheen Saraakiil ka tirsan Maamulka Villa Somalia.

278730cookie-checkMaxaa ka jira In Dowlada Djibouti ay Dhexdhexaadineyso Somalia & Maamulka Waqooyiga Dalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com