Dadaaladii iyo Nabadeyntii Puntland Iyo Jubbaland Oo Guulo Ka Gaareen (Maqaal)

Somalia news

Biiihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray Siyaasada dalka xarih jiid adag oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyadoo 3-qodob oo aad uu ugu dhegenaa Mr.Farmaajo uu halisna ku ah mustaqbalkiisa siyaasadeed, ayuu ugu dambeyntii is dhiibay..

Qodobada la isku hayay mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa kala ahaa Doorsho qof iyo Cod, Heshiiskii Dhuusa mareeb-3 iyo Ciidamada la geeyay Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in hadda oggolaaday inuu u yeero Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeele iyo Konfur galbeed si loo turxaan bixiyo Heshiiska lagu gaaray magaalada Dhuusa mareeb.

Aqoonyahannada odorasa siyaasada gudaha ee Somalia ayaa ku tilmaamay in guud ahaan xaaladii siyaasadeed ee cakirneyd uu isbedel ku yimid, waxeyna farta ku fiiqeen in Qorshayaasha ay la yimaadeen Mr.saciid Dani iyo Sheekh Axmed madoobe ay sababeen inuu burburo dhamaan kaararkii siyaasadeed ee uu khamaarayay Mr.Farmaajo, iyagoo marka hore diiday inuu furmo Kulankii ay rabtay Madaxtooyada, iyagoo shuruudo uga dhigay in marka hore la xaliyo Arrinta Gobolka Gedo.

Mr.Farmaajo oo wakhtiga ku yar yahay lagana sugaayo inuu magacaabo wasiirka 1-aad, ayuu aqbalay dhamaan shuruudihii ka hordhigay, isla markaasna amaray in laga soo saaro intii badneyd Ciidamadii la geeyay Gobolka Gedo, sidoo kale wuxuu oggolaaday in Mas’uuliyiinta Gobolka ee uu u magacabay la soo geliyay dhamaan magaalada Muqdisho, iyadoo kuwii ugu horeeyay ay maanta soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Hadaba, Akhristoow ma dhihi karaa, waxaa halis ku jira labadi qodob ee ugu waa-weynaa Mustaqbalka siyaasadeed ee Mr.Farmaajo, kuwaasoo kala ah;-

-Dib u soo doorashada oo mugdi gashay

–dadaalkii iyo dhaqaalihii uu ku bixiyay Gobolka Gedo oo natiijo la’aan ku soo dhamaatay

-Heshiiskii Dhuusa mareeb-3 oo la burburiyay

-Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Bulshada Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Dadaalada iyo Nabadeynta Mr.Deni Iyo Sheekh Axmed Madoobe.

59080cookie-checkDadaaladii iyo Nabadeyntii Puntland Iyo Jubbaland Oo Guulo Ka Gaareen (Maqaal)